U bood dhigaalka

Deeq-bixiyeyaasha Oo Ballan-qaaday In ay Lacag Ku Bixin Doonaan How-galka AMISOM

Sheeko:Dalka

 

Wadammada deeq-bixiyeyaasha ayaa ballan-qaaday in sys ii wadaan taageerada ay siinayaan ciidamada AMISOM si guul looga gaaro waxa ay ugu yeeraan la dagaalan-ka argigixisada.

Ballamahan waxaa looga dhawaaqay khamiistii magaalada Nairobi kadib kulan qaatay shan(5) maalmood oo halkaan ka dhacay, waxaa goobta jootay midowga Yurub, Qaramada Midoobay, wadamada loo yaqaano (ACCORD).

Mr. Braun oo halkaan ka hadlay waxaa uu sheegay in midowga Yurub ay sii wadayaa taageerada ay siiyaan Soomaaliya sidii nabad looga hirgelin lahaa.

Waxaa kaloo uu sheegay in 10-kii sano ee la soo dhaafay midowga Yurub ay ku bixiyeen AMISOM illaa  1.3 billion Euros (US$1.68), waxaa intaa dheeraa lacag lagu qiyaasay illaa labo(2) Bilyan oo Yurub ay ku bixiyeen qalabeyn intii u dhaxeysay 2004-2017-kii.

Mr. Braun waxaa kaloo uu ka hadlay in illaa  180 million Euros ay bixin doonaan April – December 2017, taasi oo caddeyn u ah sida uu sheegay taageerada ay siinayaan howlgalka AMISOM