U bood dhigaalka

Deeq Lacageed Oo La Gaarsiiyay Dugsiga Dhagoolayaasha Howl-wadaag Ee Gobolka Banaadir

Sheeko:War

Deeq ay iska soo uruuriyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska ayaa waxaa la gaarsiiyay dugsiga ay wax ku bartaan ardayda maqalka naafada ka ah ee ku yaalla degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir.

Binti Abuukar Maxamuud oo Jaaliyaddu u soo wakiilatay in deeqdaan lacageed ay soo gaarsiiso dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Dhagooleyaasha ayaa sheegtay in tani ay tahay dhiirigalin iyo taageero ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ugu talagashay in ay ku garab istaagaan Araday dhagooleyaasha oo baahi weyn u qabay in la caawiyo.

Marwo Binti ayaa xustay in aysan jirin hey’ad ama dowlad illaa hadda dhabarka u ridatay daryeelka caruurtaan Dhagooleyaasha ah, dhammaan dadka Soomaaliyeedna ay waajib ka saaran tahay in ay garab istaagaan waalidiinta aan awoodin waxbarista caruurta baahiyaha gaarka ah qaba.

Cismaan Maxamed Nuur oo ah xubnin ka tirsan maamulka iskuulka dhagooleyaasha ayaa ka mahadceliyay deeqda lasoo gaarsiiyay.

Dugsiga Dhagooleyaasha Sonad School For Deaf ayaa waxaa wax ka barta 162 arday kuwaaa oo 30 ka mid ah ay yihiin agoomo, waana kan kaliya ee dadka maqalka naafada ah ay wax ku bartaan oo Caasimadda Muqdisho ku yaalla.

Goobjoog News