U bood dhigaalka

Deeq Lacageed oo maanta la gudoonsiiyay Wariyaal dhaawac ah oo ku jira Isbitaalka Madiina ee Muqdisho (Dhageysi iyo Sawiro)

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta deeq lacageed la gaarsiiyay Ilaa Sedax Wariye oo siyaabo kala duwan ugu dhaawacmay magaalada Muqdisho kuwaa oo ku jira Isbitaalka Madiina.

Lacagtaan waxaa iska soo kala uruuriyay qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaaliyeed, oo isugu jira Talefishano iyo Idaacado, waxaana lacagtaasi la gudoonsiiyay wariyaasha kala ah Cabdirisaaq Cilmi  Balck, Nuurre  Maxamed Cali iyo  Ibraahim  Abdulaahi  Axmed Sheelare.

Qarashkaan ayaa ahaa mid uruurintiisa ay u istaageen Sagaal xubnood waxaana laga soo kala qaaday Idaacadaha, Talefishanada iyo Suxufiyiinta Soomaaliyeed Qaarkood, waxaana weli furan.

Abwaan Cismaan Cabdulaahi Guure oo ah Agaasimaha Radio Kulmiye oo halkaasi ka faah faahiyay qaabka lacagtaan oo gaaraysay Laba Kun iyo Todobo Boqol oo doolar ayaa faah faahiyay Qaabka Wariyaashaan lacagta look ala siiyay waxaana ay tahay sidaan.

1-   Cabdirisaaq Cilmi  Balck 1,200 (Kun iyo Laba Boqol oo doolar)

2-   Nuurre  Maxamed Cali   1,000 (Kun doolar)

3-   Ibraahim  Abdulaahi  Axmed Sheelare 500 (Shan Boqol oo doolar)

 

Halkaan hoose ka dhageyso.

Halkaan Hoose ka daawo Sawirada.

IMG_20141129_215425-1

IMG_20141129_215420-1

Goobjoog News