U bood dhigaalka

DEG DEG:- Banaanbax xoogan oo hadda ka socda Magaalada B/weyne

Sheeko:Dalka

Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka bilawday dibadbax xoogan oo ay dhigayaan shacab aad u badan.

Shacabkaan ayaa isugu soo baxay magaalada bartamaheeda, waxaana lagu soo waramayaa in hadda ay isugu soo uruureen nawaaxiga xarunta maamulka gobalka ee Magaaladaasi.

Wariyaasha Goobjoog Fm ee magaalada B/weyne ayaa soo sheegaya in isku soo baxa shacabkaan uu ka dambeeyay ka dib markii ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti ay isku dayeen inay aadaan deegaanka Deefoow ee gobalka Hiiraan halkaasi oo dhawaan dagaal beeleed uu ka qarxay.

Ciidamadii Jabuuti ayaa mar ay gaareen deegaanka Ceel-gaal waxaa is hortaag ku sameeyay shacab careysan, iyadoona rasaas la furay ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo halkaasi ku sugnaa.

Waxay tani keentay in shacabkii B/weyne ay dhankooda banaanbax sameeyaan, waxaana ay wataan dadkii dhagxaan iyo waxyaabo kale, iyadoona laga cel celinaayo xarunta gobalka.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa isku gadaamay xarunta maamulka gobalka ee B/weyne, waxaana banaanbaxa uu yahay mid sii xoogeysanaaya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe Insha Allah.

 

Goobjoog News