U bood dhigaalka

DEG DEG: Barakac Ka Socda Deegaanka Tooratoorow Ee Shabellaha Hoose

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay saakay isaga barakacayaan dadka shacabka ah, kadib casbi soo wajahday.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya iyo kuwo Maraykan ah ayaa la sheegay in ay isku gadaameen deegaankaasi, waxaana taasi ay keentay in shacabka ka baqaan dagaalk halkaasi ka dhaca.

Sida ay sheegeen dad ku dhow deegaankan, waxaa durba halkaasi ka bilowday dhaq-dhaqaaq aad u xooggan, iyadoo xaaladdu tahay mid kacsan.

Tooratoorow waxaa ku yaalla maxkamado Al-shabaabku leeyihiin, waxaana sidoo kale deegaankan uu Al-shabaab u yahay mid aad ugu muhiimsan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News