U bood dhigaalka

DEG DEG: Dagaal Xooggan Oo Ka Socda Deegaanka Deynuunaay Ee Gobolka Baay

Sheeko:Dalka

Wararka haatan naga soo gaaraya deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal xooggan, kaasi oo u dhaxeeya ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Goob jooge ku sugan Deynuunaay ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in Al-shabaab ay weerar xooggan ku qaadeen deegaankaasi.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, waxaana lasoo sheegayaa in dhaawacyo badan la geynayo magaalada Baydhabo oo 20 KM u jirta Deynuunaay.

Al-shabaab ayaa marar badan sidan oo kale waxa ay u weerareen deegaanno ku dhow magaalada Baydhabo, iyadoo welina aanu jirin wax war ah oo dagaalkan ay kasoo saareen dhinacyada is haya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News