U bood dhigaalka

DEG DEG: Dibadbax Ka Dhan Ah Maamulka Jubbaland Oo Ka Socda Baardheere

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in haatan uu halkaasi ka socdo dibadbax xooggan oo ay dhigayaan shacab kasoo horjeeda maamulka Jubbaland.

Si gaar ah ayeey dadkaan u diiddan yihiin hoggaanka Jubbaland oo ay sheegeen in aanu waxba u qaban shacabka deegaannadaasi ku nool.

Waxay dadkan isugu soo baxeen waddooyinka waaweyn ee degmada Baardheere, iyadoo dhanka kalena ammaanka magaaladaasi aad loo adkeeyey.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News