U bood dhigaalka

DEG DEG: Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya oo isku shaandheyn lagu sameeyay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah golahiisa wasiirada, waxaana xilalkooda loo kala wareejiyay wasiiro iyo wasiiro ku xigeeno ka mid ah xukuumada Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumada Soomaaliya Mustaf Dhuxuloow ayaa saxaafadda u akhriyay qaabka golaha wasiirada isku shaandheynta loogu sameeyay iyo wasiirada la kala bedalay, waxaana wasiirada kala yihiin sidaan hoose.

1-Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Saalim Caliyoow Ibroow

2-Wasaaradda Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane Faarax Sheekh C/qaadir

3-Wasiirudowlaha Wasaaradda Maalliyadda Mudane Burci Maxamed Xamsa

4-Wasiirudowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga Mudane C/laahi Maxamed Nuur

5-Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga Mudane C/raxmaan Cabdi Cismaan

6-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maalliyadda Mudane C/laahi Sheekh Cali Qaloocoow

7-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Mudane Mahad Maxamed Salaad

8-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Marwo Fahmo Axmed Nuur

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka wasiirka Warfaafinta

Goobjoog News