U bood dhigaalka

DEG-DEG: Iska hor imaad dhimasho sababay oo Gaalkacyo ku dhex maray afduubayaashii sii daayay wariye M. Scott

Sheeko:Dalka

War deg deg ah oo goor dhow naga soo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in iska hor imaad dhimasho sababay uu ka dhacay koofurta magaaladaasi.

Iska hor imaadka ayaa dhex maray kooxdii burcada ee sii daayay wariyihii Mareykanka u dhashay ee saddexda sano lagu haystay gobolka Mudug.

Inta la xaqiijiyay afar qof oo ka tirsan kooxdan ayaa ku geeriyootay iska hor imaadkan saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Maleeshiyaadkan ayaa ku dagaalamay lacagihii madax furashada ay ka heleen  afduubka wariye Scot taas oo lagu sheegay in ay gaareyso 1.6 Milyan oo doollar.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco Goobjoog FM