U bood dhigaalka

DEG-DEG: Madaxwayne Xasan Sheekh oo gaaray Baraawe

Sheeko:Dalka

Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow gaaray magaalada Baraawe oo todobaadkii hore soo gashay gacanta dowladda kadib 6 sano oo ay maamulayeen xarakada Al-shabaab.

Xasan Sheekh ayaa Baraawe kula kulmi doona saraakiisha dowladda iyo kuwa AMISOM isagoo sidoo kale kulamo gaar ah la qaadan doona odayaasha iyo wax garadka magaalada.
Socdaalka uu Madaxwaynuhu ku gaaray Baraawe  ayaa waxay noqoneysaa nooceedii ugu horeysay oo uu ku taggo degmadaasi tan iyo markii uu noqday Madaxweynaha dalka.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa shalay booqasho ku tagey degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe taa oo xarakada Al-shabaab lagala waregay 1-dii bishaan October.

Ammaanka Baraawe ayaa si wayn loo adkeeyay.