U bood dhigaalka

DEG DEG:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Magaalada B/weyne

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa ku waramaaya in halkaasi uu ku wajahan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi la socday.

Wariyaasha Goobjoog Fm ee ku sugan magaaladaasi waxay sheegayaan in magaalada laga dareemayo diyaar garowga loogu jiro soo dhaweynta madaxweynaha.

Goor dhaw waxaa garoonka Magaalada Baladweyne ka degtay diyaarad Helicopter ah taa oo la sheegay in ay la socdeen saraakiil iyo xubno hordhac usii ah wafdiga madaxweynaha ee halkaasi ku wajahan.

Madaxweynaha ayaa la filaayaa in dadka reer Baladweyne uu kula hadlo xerada lama galaay ee magaaladaasi, waxaana arimaha ugu weyn uu ka hadli doono la sheegayaa inay ka mid tahay dagaalada ka jira Deefoow iyo arimo kale.

Dhanka kale warar soo baxaya waxay sheegayaan in madaxweynaha sidoo kale uu booqan doono degmada Ceel-buur ee gobalka Gal-gaduud.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.