U bood dhigaalka

DEG DEG: Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Qarax aad u xooggan ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay nawaaxiga isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan goob lagu baaro gaadiidka aada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah, gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, ayaa lagu weeraray halkaasi, waxaana jira khasaare kala duwan oo qaraxan ka dhashay.

Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa halkaasi ku qul-qulaya, si ay usoo qaadaan dadka waxyeelladu soo gaartay.

Si rasmi ah weli looma oga khasaaraha qaraxan uu geystay inta uu la egtahay, iyadoo la maqlayo rasaas ay ridayaan ciidamada ammaanka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News