U bood dhigaalka

DEG DEG: Qarax Miino Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Km-13 ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi qarax Miino uu ka dhacay.

Gaari nooca loo yaqaan SURF ayaa la sheegay in Miinadan lala eegtay, waxaana halkaasi ku dhintey Hal qof iyadoo dhaawacna uu jiro, balse tirada rasmiga ah weli lama hayo.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in goobta qaraxa uu ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka, welina lama oga dadka qaraxan lala eegtay waxa ay ahaayeen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News