U bood dhigaalka

DEG DEG:- Qarax qasaare geystay oo goor dhaw ka dhacay Wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax qasaare geestay ayaa goor dhaw waxa uu ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Shaqaalaha, wadada Makka Al-mukarrama ee Magaalada Muqdisho.

Wararka waxay sheegayaan in qaraxaan uu ku xirnaa Gaari yar oo la sheegay in uu yaalay hotel kasoo horjeeda Gurigii hore ee shaqaalaha oo hadda xarun u ah waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Hal qof ayaa halkaasi ku dhintay, waxaana dhaawac uu soo gaaray Laba kale oo ku sugnaa halkii qaraxa uu ka dhacay sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ilaa iyo hadda ma jirto faah faahin kale oo ku aadan qaraxaan, mana jirto wax war ah oo qaraxaan ay kasoo saareyn saraakiisha amaanka dowladda Soomaaliya.

Warkaan oo faah faahsan goor dhaw la soco

Goobjoog News