U bood dhigaalka

DEG-DEG: Shir wayne looga hadlayo garsoorka oo goor dhow ka furmaya Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa daqiiqado kadib ka furmaya hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho shir wayne qaran oo diirada lagu saari doono garsoorka dalka.

Masuuliyiin ka tirsan  dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa lagu wadaa in ay ka soo qeyb galaan shirka wada tashiga  garsoorka dalka.

Shirkan ayaa lagu sheegay in loo qabanayo sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa hannaanka garsoorka iyo garsoorayaasha ka howl gala dalka.

Cabdulqaadir ok oo ka mid ah suxufiyiinta Goobjoog FM oo ku sugan xarunta uu shirka ka furmayo ayaa sheegay in wasaarada cadaalada iyo dastuurka xukuumadda Federaalka ay marti gelineyso shirkan.

Shirkan ayaa socon doona muddo shan cisho ah.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco Goobjoog FM