U bood dhigaalka

Deg-deg: Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir Oo Raalli-geliyey Shacabka “May-ga”.

Sheeko:Baarlamaanka
Maanta kulanka golaha shacabka waxaa soo xaadiray 156 Xildhibaan, ajendaha wauxuu ahaa xisaab xirka dowladda ee sanadkii 2017.
Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa ugu horeyntii Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim u sheegay in golaha hortiisa uu raali gelin ka siiyo shacabkii maayga ku hadla ee uu qadafka ka galay.
 
Intaasi kadib Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa istaagay, oo bixiyey raalli-gelin, waxaa isna raalli-gelinta aqbalay Xildhibaan maxamed fanax oo goobta ka hadlay.
 
Goobjoog News