U bood dhigaalka

Degaannada Bari ee Gobolka Mudug Oo Ay Ka Jiraan Abaaro Iyo Biyo La’aan

Sheeko:Dalka

Waxaa isa soo taraya cabashada la xiriirta abaaro iyo biyo la’aan ka taagan degaanno ka tirsan bariga gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Maamulka Degaanka Ceelguulla ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in  Biyo yari ka jirta degaankaasi ay sababtay in dadka ay ka cararaan Degaankooda iyagoo tagaya Degaanka.

Guddoomiyaha Degaanka CeelGuulla Cali Baashi Aadan Macallin ayaa u sheegay Goobjoog News in  xaaladda degaanka  ay  ku dhowdahay mid Qatar ah wax ka qabasho deg deg ahna ay u baahan tahay.

“Markii hore biyo qaraar ah ayaa la heystay degaannada Ceelguulla hoostaga, hadda culeysku waxa uu ka yimid markii uu jabay ceelkii la wada isticmaalayay, sidaas ayay ku dhacday in dadka iyo duunyada ay ku dhacday biyo la’aanta” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhowr Degaan oo ka tirsan Gobolka Mudug waxa laga soo sheegayaa  dhibaatooyin xaga biyo la’aanta ah.

Waxa uu sidoo kale guddoomiyaha Ceelguulla uu sheegay in ay jiraan duunyo u dhimatay biyo la’aanta awgeed, isla markaana dadka reer Mudug wuxuu ugu baaqay inay Alle bari sameeyaan si roob loo helo.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa sheegay in jaaliyadaha dibadda, ganacstaada reer Galmudug iyo hay’adaha uu ka codsanayo in dadka abaaraha xun ay heystaan loo soo gurmado.

Goobjoog News