U bood dhigaalka

Degaannada Galmudug Oo Looga Diyaargaroobayo Soo Xulista Xildhibaannada Baarlamaanka Cusub ee Federaalka

Sheeko:Baarlamaanka

Degaannada Galmudug waxaa looga diyaargaroobayaa soo xulista xubnaha baarlamaanka federaalka ee ka imaanaya gobollada Galmudug.

Waxaa soconaya kulamo wadatashi ah oo ay leeyihiin odayaasha dhaqanka beelaha iyo ergada la doonayo inay soo xulaan xildhibaannada cusub.

Waxaa sidoo kale iyana jirta in musharrixiinta u hardamaya ka mid noqoshada baarlamaanka dowladda cusub inay ku sii qulqulayaan degaannada Galmudug sida gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Odayaasha dhaqanka qaarkood oo la hadlay Goobjoog News waxay sheegeen in ay isku diyaarinayaan qabashada kulamo lagu tartansiinayo musharixiinta xildhibaanimada doonaya si loo kala saaro.

Suldaan Maxamuud Khaliif Afdhuub oo kamid ah waxgaradka gobolka Mudug ayaa sheegay in howsha soo xulista ay marayso meel wanaagsan oo gebogebo ah.

“Si fiican ayaa la iskugu waafaqsan yahay qaabka loo soo xulayo xubnaha baarlamaanka ee ka imaanaya degaannada Galmudug, waxa weeye ergo ayaa kala xulanaysa musharrixiinta badan ee doonaya, sababtoo ah qof walba wuxuu xaq u leeyahay inuu is sharraxo” ayuu yiri Suldaanka.

Waxa uu tilmaamay in doorasho xor ah la filayo in ka dhacdo Cadaado, oo dhowaan odayaal ka imaanaya degaannada Galmudug ay tegi doonaan.

Ergada ayuu ugu baaqay inay soo xulaan dad damiir leh oo dalka iyo dadka wax u qabanaya.

Dhowaan ayaa la filayaa in degaannada dowlad goboleedyada ay ka billowdaan soo xulista xubnaha baarlamaanka ee u matali lahaa labada aqalba waa aqalka hoose iyo aqalka sare.

Goobjoog News