U bood dhigaalka

Degdeg: Aqalka Sare Oo Ansixiyay Sharciga Doorashooyinka Qaranka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada golaha aqalka sare oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda ayaa waxa ay dood adag ka yeesheen akhrinta 3-aad ee hindise sharciyeedka doorashooyinka qaranka iyaga oo maanta ugu dambeyn ansixiyay sharcigaasi.

Guddoonka golaha aqalka sare ayaa sheegay in cod aqlabiyad leh ay Senetarada golahaasi ku meel mariyeen sharciga doorashooyinka qaranka oo dood adagi ay ka taagnayd.

Sharcigan Waxaa Ogaaladay 28 Senatar, Waxaa diiday 6, Cidna kama amuusin.

Sharcigaan ayaa horay waxaa u soo meel mariyay 28-kii December xildhibaanada golaha shacabka Soomaalia.

Sharcigan ayaa dhaqan galaya marka uu saxiixo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Goobjoog News