U bood dhigaalka

Degdeg: Dagaal Kismaayo ku dhexmaray Labo Ciidan

Sheeko:Amniga

Wararka aan ka helayno magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in goor dhaweyd halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada amniga Jubbaland iyo kuwa taabacsan Cabdinaasir Seerar oo isagu horay u sheegay in uu yahay madaxweyne.

Israsaaseyntan ayaa timid ka dib markii ciidamada amaanka magaalada ay xireen qaar ka mid ah waddoyinka, waxaana halkaasi isku dayay in ay ka gudbaan ilaalada Cabdinaasir Seeraar oo markii dambe uu iska hor imaad kooban labada dhinac halkaasi ku dhexmaray.

Wali majirto khasaare ka dhashay dagaalkaasi oo la soo wariyay, maadama dagaalka daqiiqado ka hor uu dhacay.

Dagaalkan ayaa ku soo aadaya xilli saacadaha soo aadan la filayo in magaalada Kismaayo ay ka dagaan wafdi heer caalami ah oo uu ka mid yahay safiirka safaarada Soomaaliya ee Mareykanka Donld Yamamoto.

Goobjoog News