U bood dhigaalka

Degdeg: Guddoomiyihii Gobalka Mudug ee Maamulka Puntland oo Qarax Lagu Dilay

Sheeko:Amniga

Wararka aan ka helayno magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in gor dhow qarax ka dhacay magaaladaasi lagu dilay guddoomiyihii gobalka Mudug ee dhinaca Puntland Axmed Muuse Nuur.

Qaraxa uu ku nafwaayay guddoomiyaha ayaa waxa uu ka dhacay xarunta gobalka waxaana la sheegay in qaraxa loo adeegsaday Bajaaj la soo saaray waxyaabaha qarxa in lagu dhuftay gaari uu la socda Allaha u naxariistee guddoomiyihii gobalka Mudug.

Ciidamo ka tirsan laamaha amaanka Puntlan ayaa soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay iyaga oo halkaasi ka bilaabay baaritaano kala duwan.

Waxaana la filayaa in saacadaha soo aaddan saraakiisha amaanka ay faahfaahin ka bixiyaan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi.

Goobjoog News