U bood dhigaalka

Degdeg: Qarax Duleedka Muqdisho Lagula Eegtay Ciidanka Dowladda

Sheeko:Amniga

Wararka  aan ka helayno duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax halkaasi lagu eegtay kolonyo ka tirsan ciidanka xoogga oo wadadaasi marayay, waxaana la soo warinayaa in uu khasaare kala duwan jiro.

Qaraxa oo goor dhacay ayaa waxa uu ka dhacay halka loo yaqaan Siinka dheer oo ah duleedka magaalada Muqdisho waxaana lagu soo waramaya in qaraxu uu ahaa miino haleeshay gaari nuuca Cabdi bilaha ah oo ay wateen ciidan ka tirsan Mileteriga Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa Goobjoog News waxa ay u xaqiijiyeen in khasaare kala duwan uu jiro balse aan si rasmi ah loo sheegi karin, maadaama gaariga qaraxu uu haleeyay gabi ahaana uu gubtay.

Wixii ku soo kordha halkan kala soco

Goobjoog News