U bood dhigaalka

Degdeg: Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Warar kala  duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay degmada Hodan ee gobalka Banaadir.

Qaraxan oo ahaa mid lagu soo xiray gaari uu lahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaalya ayaa waxa uu si gaara uga dhacay Xaafada Taleex gaar ahaa carwadii hore ee qaranka, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Sida goobjoogayaal ay inoo xaqiijiyeen qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay darawalkii gaariga iyo qof shacab ah oo wadada marayay.

Ciidamo ka tirsan booliska degmada Hodan ayaa goobta soo gaaray iyaga oo halkaasi ka bilaabay baaritaano.

wali ma jirto wax wara oo ka soo baxay laamaha amaanka oo ay uga hadlayaan qaraxan lagu bartilmaameedsaday gaari uu lahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaaka federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News