U bood dhigaalka

Degdeg: Ruushka Oo Laga Saaray Euro 2016, Lana Ganaaxay

Sheeko:Dalka

Guddiga anshaxa Uefa ayaa dalka Ruushka ka saaray ciyaaraha Euro 2016 ee ka socda dalka faransiiska kadib markii taageerayaasha xulkooda qaranka kubadda cagta ay qalalaaso geysteen.
Uefa ayaa sidoo kale xulka qaranka ee Ruushka ku ganaaxday €150,000, waxaana la masaafuriyay ilaa 50 taageere oo Ruush ah, iyadoo loogu hanjabay tilaabooyin kale.

Taageerayaasha Ruushka ayaa la sheegayaa in ay kuwa Ingiriiska ku garaaceen magaalada Marseille kadib ciyaar dhexmaertay labada xul.

Uefa oo joojisay xukunka ayaa ugu hanjabtay in tilaabooyin kale ay qaadi doonto haddii ay qalalaasaha ay soo laabtaan.

Goobjoog News