U bood dhigaalka

DEGDEG: Shirka Amniga Ee Gollaha Iskaashiga Oo Ka Furmay Kismaayo

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Islaam Madoobe ayaa daqiiqado ka hor magaalada Kismaayo ka daah-furay shirka iskaashiga amniga ee dowlad goboleedyada.

Shirkani waxaa ka wada qeyb galaya wasiirrada amniga iyo taliyeyaasha nabad sugidda ee dowlad goboleedyada Soomaaliya oo ku mideysan magaca Gollaha Iskaashiga.

Madaxweyne Axmed ayaa ku nuuxnuuxsaday in loo baahan yahay sidii ay dowladaha xubnaha ka ah xukuumadda federaalka iskaga kaashan lahaayeen la dagaalanka Alshabaab iyo nabadgalyada.

Sida dad lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Goobjoog News shirka ayaa socon doona laba cisho, iskaaahi amni oo dhexmara ayayna ka arrinsanayaan iyadoo ugu dambeeyntii warmurtiyadeed laga soo saari doono.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA:

Goobjoog News