U bood dhigaalka

 Degmada Baardheere Oo Ay Ka Dillaacday Jadeeco

Sheeko:Caafimaadka

Dhaqaatiirta iyo howlwadeennada Caafimaadka ee ka howlgala Isbitaalka degmada Baar-dheere ayaa waxay sheegeen in Cudurka Jadeecada oo ka mid ah Lixda cudur ee dilaaga ah,  uu ka dillaacay degmada Baardheere iyo qaar ka mid ah tuullooyinka hoos yimaadda, kaas oo caruur badan ay la ildaran yihiin.

Dr. Sharma’arke Nuur oo ah Agaasimaha Isbitaalka degmada Baardheere ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in Cudurka jadeecada uu ka dillaacay degmada iyo qaar ka mid ah tuullooyinka hoos yimaadda, isagoo sheegay Isbitaalka guud ee degmada maalin weliba ay soo gaaraan kumanaan uu soo riday cudurka Jdeecada, oo gaaraya ilaa 7 ruux, kuwaasi ayaa qaar ka mid ah waxay ka kala yimaaddeen tuullooyinka iyo dhulka miyiga ah ee ku teedsan Baardheere.

Dr. Sharm’arke ayaa waxaa uu intaasi ku daray in Cudurka jadeecada oo maalmo ka hor ka dillaacay degmada in ay u diwaan geliyeen bukaannada soo gaarey isbitaalka ilaa 48 ruux oo u badan Caruu, isagoona tilmaamay in dad kale oo ku xanuunsanayaan tuullooyinka iyo baadiyaha, kuwaasi oo weli soo gaarin  isbitaalka.

“Isbitaalka maalintii waxaa la keenaa 5-7 qof kuwaas oo qaba cudurka Jadeecada, waxaana hadda la liita dad badan

Sababaha keenay in Cudurka jadeecada  uu ka dillaaco degmada Baardheere iyo tuullooyinka hoos yimaadda ayey dhaqaatiirtu ku sheegeen daryeelka caafimaad iyo dadka oo aan helin biyo nadiif ah.

Goobjoog News