U bood dhigaalka

Degmada Ceel-waaq Oo Laga Sheegayo Amni Darro

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in xaaladda ammaan ee degmadaasi  ay faraha ka sii baxayso, haddii aan si deg deg ah loo keenin Ciidamo dheeri ah oo wax ka qabta amaan darrida ba’an ee ka jirta degmadaasi iyo qaar ka mid ah deegaannada hoos yimaada.

Sahal Macallin Aadan oo ah Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka degmada Ceel-waaq ayaa Goobjoog News u sheegay in ammaanka degmada Ceel-waaq uu yahay mid aan la isku haleyn karin, isagoo tilmaamay  in Dowladda Federaalka  iyo Jubbaland ay dayaceen degmadaasi,islamarkaasna xilligan aan jirin ciidamo suga ammaanka shacabka degmada .

“Maamul goboleedka iyo dowladda dhexe labadaba waan u gudbinnay cabashaddeedna ilaa iyo haddana wax jawaab ah oo aan ka hayo ma jirto, dowladda Kenya diyaar uma ahan in amniga ay wax nagala qabato, AMISOM ayaa kumaga cowneyd shaqadaas oo iska la heyd”.

Dhinaca kale  ciidamada Kenya ee ku sugan xudduuda u dhaxeysa labada dal ayuu sheegay  in aysan diyaar u ahayn in ay taageero u fidiyaan Ciidamada yar ee ku sugan Ceel-waaq ama ay ka taageeraan xagga saanada iyo saadkaba.

Goobjoog News