U bood dhigaalka

Degmada Hobyo Oo Loo Magacaabayo Maamul Cusub

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo xubno la socda ayaa maalintii Seddaxaad waxay ku sugan yihiin degmada Hobyo ee gobalka Mudug, halkaasi oo kulamo kala duwan ay kula qaadanayaan bulshada ku dhaqan degmadaasi.

Warar soo baxaya oo ay heshay Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in madaxweyne Guuleed uu qorsheynayo inuu maamul cusub u magacaabo degmada Hobyo iyo sidoo kale dekadda degmadaasi.

Waxgaradka iyo siyaasiyiinta ku sugan degmada Hobyo ayuu Mr Guuleed waxa uu kala hadlayaa arrimaha ku saabsan maamulkaan loo magacaabayo degmadaasi.

Mid ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee ku sugan degmada hobyo ayaa inoo xaqiijiyay inuu jiro qorshaha maamulkaan lagu soo magacaabayo.

Dhinaca kale degmada Hobyo waxaa ku sugan maalgishadayaal shisheeye oo doonaya in degmadaasi ay maalgashi ku sameystaan.

Dekadda Degmada Hobyo ayaa la filayaa in dhawaan ay shaqo billowdo wallow ay jiraan shaqooyin badan oo degmadaasi laga qaban doono.

Goobjoog News