U bood dhigaalka

Degmada Mahadaay Oo Aan Laheyn Adeegyada Bulshada

Sheeko:Dalka

Adeegyadii bulshada degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha dhexe ayaa la sheegay in gabi ahaanba aanay shaqeyneyn.

Xarumihii waxbarashada, caafimaadka, saldhigga Booliiska iyo xarumo kale oo muhiim ah ayaa la sheegay in aanay shaqeyneyn.

Tan iyo markii ay la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya degmada Mahadaay ma aysan helin adeegyada bulshada, degmada waxaa ay leedahay Saldhig boolis hadana mashaqeeyo sidoo kale degmada waxaa ay leedahay Isbitaal kaasi oo la sheegay in uusan shaqeynin uuna u xirmay daryeel la’aan kadib markii dawo lahaan ay soo wajahday.

Degmada Mahadaay malahan Maxkamad dadka loogu kala gar qaado halka sidoo kale la tilmaamayo in Iskuulka Magaalada in uu u xirmay Mushaar la’aan soo wajahday macallimiintii wax ka dhigayay sida ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Magaaladaasi.

Xildhibaan Maxamed Bashiir Daqarre oo ka mid ah Baarlamaanka Hirshabelle ayaa Goobjoog News u sheegay in Mas’uuliyiinta Hirshabelle ay ka gaabiyeen wax u qabashada bulshada ku dhaqan Mahadaay.

“ Maamulka Hirshabelle waxaan leeyahay degmada Mahadaay il gaar ah ku fiiriya Saldhigga mashaqeeyo ciidamada gaarigii loogu talo galay waa uu yaallaa sababta uu u shaqeyn la’yahay ma garan karo Maxkamaddii mashaqeyso sababteeda magaran karo “.

Arrintaan ayaa waxaa ay ku soo aadeysaa xilli Wasaaradda waxbarashada Hirshabelle ay sheegtay in degmooyinka Balacad iyo Jowhar ay ka furi doonto iskuullo lacag la’aan ah halka midkii ku yaalay Mahadaayna uu u xirmay Mushaar la’aan soo wajahday Macallimiintii .

Goobjoog News