U bood dhigaalka

Degmada Shibis Oo Diyaarinaysa Koox Dhalinyaro Ah Oo Dhinaca Kubbadda Kolayga

Sheeko:Cayaaraha

Maamulka Isboortiga Degmada Shibis ayaa diyaarinaya koox dhallinyaro ah oo mustaqbalka ka qeyb qaadanaysa horomarka kubbadda Kolayga Soomaaliya ciyaartooydan oo da’dooda u dhaxaysa 10-18jir ayaa yoolkooda  yahay in meel wanaagsan xirfada kubbadda kolayga heer koox ilaa heer qaran.

 

Daa’uud Axmed Dheere waa ciyaaryahan hore kubbadda kolayga kooxda dowladda Hoose ee Muqdisho City waana tababaraha caruurtan u bilaaway mashruuca horomarinta da’yarta ee degmada Shibis wuxuuna hadafkiisa yahay in degmada kasta oo Gobolka Banaadir ay hesho kooxo kala duwan oo dhinaca Kolayga.

Guddomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda kolyaga Cabdullahi Nuuur Maxamed (Cadaani) ayaa Goobjoog u sheegay in degmada Shibis ay tahay isha kaliya ee wax soosaarka ciyaaryartooyda da’aada kala duwan ee kubbadda kolayga tiro badan oo kasoo baxday halkan aya iminka qeyb ka yihiin naadiyada heerka 1aad iyo xulka qaranka kubbada kolayga Soomaaliya.

Cumar Cali Axmed oo ka mid ah odayaasha degmada Shibis ayaa xili kasta u daawasho tago tababarka dhalinyaradan wuxuuna Goobjoog u sheegay in arimahan oo kale ay kaalin wanaagsan ka qaadanayaan is-dhaxgalka bulshada ku nool degmada iyo dhinacyada Amniga iyo horomarka.

Qaar ka mid ah ciyaartooyda ka faa’ideeysanaya fursadan ayaa iyaga qudhooda la hadlay Goobjoog,iyagoo ku hami weyn in xirfada kubbadda kolayga ay meel wanaagsan ka gaaraan iyo in ay ka qabtaan tartamada lagu qabto gudaha degmada.

Waalidiinta qaar oo aan la kulnay ayaa u mahad celiyay macaliimiinta iyo maamulka isboortiga degmada Shibis,iyagoo caruurtooda ku dhiiri geliyay in ay si wanaagsan u qaataan casharada la siinayo si ay mustaqbalka ay ugu mid noqdaan waajibaadka xulka qaranka kubabdda Kolayga Soomaaliya.

Guddoomiyaha Isboortiga Degmada Shibis Saciid Maxamed Shiikh (Bootaale) oo ka mid ahaa ciyaartooydii hore kolayga Soomaaliya ayaa sheegay in dhisidda dhalinyarada oo kale ay kaalin wanaagsan ka qaadanayso horomarka kooxaha ka dhisan dalka,hadafka laga lee yahay ay tahay in door wacan ka ciyaaraan xulka qaran.

Si kastaba degmada Shibis labadii sano lasoo dhaafay waxa ay horkac wanaagsan ka samaysay tartamadda kolyaga dhinaca gabdhaha iyo wiilasha,iyagoo degmada u soo hooyay koobab kala duwan,halka kubbadda cagta ay kaalinta 2aad ka galeen tartankii kubbadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2018.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan kooxda dhalinyaro ee loo diyaarinayo degmada Shibis iyo Xulka

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/2344975072453725/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle