U bood dhigaalka

Degmada Shibis Oo Jartay Tigitkii Fiinalaha Tartanka Kubbadda Gacanta Degmooyinka 2019

Sheeko:Cayaaraha

Degmada Shibis ayaa usoo baxay fiiinaalka tartanka kubbadda Gacanta degmooyinka Gobolka Banaadir 2019 kadib markii ay guul ay si dirqi ah kaga adkaatay degmada Wadajir.


Kulankan oo ahaa kulanki labaad ee semi finalka tartanka waxay labada koox soo abndhigeen ciyaar aysan kooxi ku nasan hogaanka ciyaarta waxaana waqtigi loogu talo galay ay kusoo idlaatay 18-17 oo ay guusha ku raacday degmada Shibis.

Degmooyinka Shibis iyo Hodan ayaa wada ciyaaridoona fiinalaha tartanka kubbadda gacanta degmooyinka 2019,iyadoo ciyaaryahan ay xiiso gooni u lee yihiin taageerayaasha degmooyinkaa Gobolka Banaadir.