U bood dhigaalka

Degmada Waajid Oo Laga Soo Sheegayo Waxbarasho La’aan

Sheeko:Dalka

Degmada Waajid ee gobolka Bakool kana mid ah degmooyinka ay go’doomiyeen Al-shabaab ayaa laga soo sheegayaa waxbarasho la’aan.

Degmada Waajid waxaa ku yaallo hal Iskuul oo lagu magacaabo Waajid Iskuul waxaana dhigta arday gaareysa tiro ahaan 335 arday 115 ayaa wiilal ah, halka gabdhuhuna ay yihiin 220.

Iskuulkan waxaa uu ku egyahay Fasalka Sideedaad malan Waajid waxbarashada dusiga sare iyo Iskuul kale toona.

Nuur Cali yarrow oo ah maamulaha iskuulka Waajid ayaa Goobjoog News uga warbixiyay xaaladda waxbarasho ee degmada taasi oo uu tilmaamay inay hooseyso.

“Iskuulkan waxaa la hirgaliyey dhowaan waxaan ku shaqeynaa daruufo aad u adag, waana iskuulka kaliya ee degmada Waajid ay leedahay Macallimiinta maqaataan mushaar fiican ardayda Iskuulka waxaa ay u badanyihiin kuwo ka soo jeeda qoysas danyar ah”.

Degmada Waajid ayaa go’doonsan muddo ku dhow Shan sano dadka ku nool halkaasi ma heystaan adeegyada nolosha asaasiga u ah sida Waxbarshada iyo caafimaadka.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada