U bood dhigaalka

Dekad Qalalan Oo Laga Hirgeliyey Muqdisho

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horreysay waxaa laga hirgeliyey Dekad qalalan oo loogu talo galay in mashquulka looga qaaday dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Dekaddan waxaa xarigga ka jaray madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, waxaana hirgelinteeda iska kaashaday Ganacsato Soomaaliyeed iyo sidoo kale maalgeliyeyaal shisheeye iyada oo ku taal meel ku dhaow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga ee xukuumadda Soomaaliya C/rashaiid Maxamed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sharaxaad ka bixiyey muhiimadda ay leedahay Dekaddan iyo sidoo kale faa’idada ay ku qabaan ganacsatada Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay wasiirka in Dekaddan qalalan la keeni doono Kunteenarada ganacsatada Soomaaliyeed usoo dega islamarkaana shaqadeeda halkaan lagu fududeyn doono.

Ganacsatada ayuu sheegay in ay halkaasi si sahlan agabkooda uga qaadan doonaan, islamarkaana canshuurtii laga qaadayey aanay wax dheeraad ah lagu darayn.

Dekaddan qalalan ayuu sidoo kale sheegay muhiimad gaar ah u ayeelan doonto ganacsatada wax dhoofisa sida hilibka iyo qudradda, isaga oo sheegay in halkaasi la keeni doono qaboojiyeyaal muddo wax hayn kara.

Goobjoog News