U bood dhigaalka

Dekadda Boosaaso Oo Si KMG Ah u Shaqo Bilowday

Sheeko:Dalka

Waxaa dib si KMG ah u shaqo bilowday dekadda weyn ee magaalada Boosaaso kadib markii aanay shaqeyn ku dhowaad 7 cisho, muranno soo kala dhexgalay ganacsatada iyo shirkadda DP World.

C/llaahi Saciid Gaarshe, wasiirka maaliyadda Puntland ayaa sheegay in hadda la isku raacay in muddo 10 cisho ah ay shaqeyso dekadda, maadaama ay ku xirnaayeen maraakiib u raran ganacsato Soomaaliyeed.

Wuxuu tilmaamay in 10-kaasi maalin kadib la isku imaan doono, islamarkaana la shaacin doono nidaamka shaqo ee dekadda, maadaama hadda lagu wareejiyey DP World.

“Waa la is waafajinayaa qaabka ay dekadda ku shaqeyn jirtay iyo sida shirkadda la wareegtay u shaqeyneyso, 10 cisho ayaa lagu soo afjarayaa, ganacsatadana waxaan leeyahay gacan ka geysta arrintaasi” ayuu yiri wasiirka.

Mar walbo waxaa la filan karaa mudada la ballamay kadib, in dekadda Boosaaso ay mar kale xiranto.

DP world oo sidan oo kale ula wareegtay dekadda Berbera ayaa illaa hadda waxay is fahmi la yihiin shaqaalihii dekaddaasi.

Goobjoog News