U bood dhigaalka

Dekadda Garacad oo maanta xarigga laga jarayo.

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta lagu wadaa in xarigga laga jaro dekadda degmada Garacad ee gobalka Mudug, halkaas oo munaasibadda daahfurka ay ka soo qayb galaan mas’uuliyiin kala duwan.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa gaaray degmada Garacad, halkaas oo la filayo in uu ku soo dhaweeyo mas’uuliyiinta ka qayb galaysa munasibadda daahfurka dekadda Garacad.

Xarig jarka dekadda ayaa waxaa ka soo qayb galayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa Cagjar, mas’uuliyiin ka socota dowlad gobaleedyada dalka iyo kuwa ka socda dowladda federaalka ah.

Goobjoog News