U bood dhigaalka

Dekadda Magaalada Boosaaso Oo La Ballaarinayo

Sheeko:Dalka

Waxaa gabi ahaanba la faarujiyay nawaaxiga dekadda weyn ee magaalada Boosaaso, taas oo ballaarin lagu sameynayo.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo booqday Dekadda oo dhawaan dib u dhis ballaaran lagu sameynayo ayaa sharaxaad ka bixiyay qaabka ballaarinta loogu sameynayo Dekadaasi.

Maraakiib waaweyn iyo Doomaha Kalluumeysiga ayaa laga saaray agagaarka dekadda, waxaana xilliyada soo aadan kusoo wajahan halkaasi Markab weyn oo wada qalabka loogu talagalay dhismaha Ballaarinta dekadda weyn ee Boosaaso.

Wasiirka wasaaradda Dekahada iyo Gaadiidka Badda Puntland, Cabdullaahi Jaamac Saalax oo saxaafadda kula hadlay gudaha dekadda Boosaaso ayaa ugu baaqay Kalluumeysatada leh doomaha yar yar ee ka agdhaw dekadda inay ka fogeeyaan, si loo guda galo shaqada ballaarinta dekadda weyn ee magaalada Boosaaso.

“Sidaad aragtaan Dekaddii waa nadiif, maraakiibtii yaryaraa iyo Doomihii ku xirnaa waa laga guray, dadaal badan baa la muujiyay, waxaan Dekadda u diyaar garoobaysaa howlgakeedii weynaa ee ballaarinta, iyo sidii howshaasi loogu billaabi lahaa sida ugu dhaqsiyaha badan, nimankii wax dhisayay mar hore waan u dirnay fariintii ahayd inaan innagu diyaar nahay, iyaga ayaa la sugayaa” ayuu yiri wasiirka.

Dekadda Boosaaso waxaa kasoo dega shixnado ganacsi oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, waxaana agabka kasoo deka loo qaadaa meello ka mid ah gobalada Dalka Soomaaliya, waxaana ku xiran ganacsato badan.

Goobjoog News