U bood dhigaalka

Dekedda Iyo Horseed,Yaa Ku Guulaysandoono Loolanka Horyaalka Somalia Premier League

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiyaha Kooxda kubbadda cagta Horseed Dr.Maxamed Axmed Maxamed ayaa kulan la qaatay Ciyaartooyda,Macalamiinta iyo shaqaalaha kooxda,isagoo ugu mahad celiyay horomarka ay kooxdiisa samaysay labadii sano lasoo dhaafay.

Kooxda Ciidanka kooxda dalka ayaa tababar xoogan samaysay isbuucyadii lasoo dhaafay wuxuuna diyaar garowkaas ku qotomay kulamada ugu haray horyaalka Somalia Premier League iyo tartamada qorshaysan ay xidigaha Horseed ka qeybgalayaan olalahan 2018-2019.

“Aad bay noo dhiiri gelisay shaqada adag ee aad soo bandhigteen tan iyo sanadkii lasoo dhaafay waxaa idinka ka muuqata isku xir wanaagsan,balse hadafkeena waa in aan xili ciyaareedkan xarunta kooxda keenaa mid ka mid ah koobab aan ka qeybgalayno fasal ciyaareed”ayuu guddoomiyahay naadiga Horseed Dr.Maxamed Axmed Maxamed ugu waramay Goobjoog Sports.

Cabdi Wali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) oo ah layliyaha kooxda kubbadda cagta Horseed ayaa qeexay in uu haysto ciyaartooy dhallinyarro ah kuwaas oo kaalin wanaagsan gaarsiin kara hadafka ay lee yihiin maamulka naadiga ciidanka xooga dalka ee Horseed.

Ciyaartooyda kala ah Cabdullahi Cali Bile iyo Xasan Xuseen Afgooye ayaa labadii xili ciyaareed ee lasoo dhaafay waxa ay qeyb ka ahaayeen xidigihii kooxda Dekedda uu suura geliyay hanashada horyaalka Sooomaaliya,iminka waxa ay rajaynaynaa in tariikh wanaagsan ku sameeyaan kooxda Horseed.

14 March 2019 Horseed iyo Dekedda oo wada dheelay kulankoodii 1aad ee wajiga hore horyaalka Soomaalia Premier League 2018-2019 ayaa waxaa kulankaa 1-0 guusha ku qaatay xidigaha oo hogaamiyo tababare Cabdi Joon ee Horseed,iyagoo noqday naadiga kaliya ee wareega 1aad ka badiya kooxda horyaalka xafidanaysa labadii kol ciyaareed ee laga soo gudbay ee Dekedda,tababare Cabdi Joon guushaas ka dib waxa uu Goobjoog u sheegay in uu kulankaas ug fadhiyay micno gaar ah maadam labada dhinac ay xifaaltamaan.

Loolanka kooxaha Horseed iyo Dekedda ee ku aadan hanashada horyaalka Somalia Premier League ayaa ah mid aad u adag,inkastoo iminka ay u dhaxayso farqi dhibco gaaraya 3dhicbood,Dekedda ayaa fadhisa kaalinta 1aad,iyadoo 26-dhicbood,halka wiilasha Horseed ay iyagan xaadir ku yihiin kaalinta 2aad,iyagoo leh 23dhibcood,balse yoolkeed taa macallinka iyo ciyaartooyda Dekedda waxa ay marar badan Goobjoog ugu sheegeen in ay rabaan markii 3aad oo xariir ah hanashada horyaalka Somalia Premier League.

Dekedda ayaa wareega 1aad lumisay hal kulan oo qura waxayna 13-Maarch 2019 guul daro 1-0 kasoo gaartay Horseed,halka xidigaha Horseed ay iyagana qasaariyeen labo ciyaareed,iyagoo guul darooyinka kala kulmay Heegan,Elman,Heegan waxa ay la dheeleen 22-March 2019 ciyaar ku dhamaatay 1-0,balse kulankii ay Elman la ciyaareen 26-March 2018 waxaa Horseed loogu badiyay ciyaar ku dhamaatay 2-1.

Si kastaba kooxa kubbadda cagta Horseed ayaa afar sano ka hor 2-1 ku hantay koobka Jeneraal Daa’uud,iyagoo ka qaaday kooxda ay sida weyn u xifaaltamaan ee Heegan,balse sanadkii lasoo dhaafay 2018 xidigaha kooxda Ciidanka xooga waxa ay soo tiigsadeen fiinalaha koobka Jeneraal daa’uud,balse waxaa Rigoorayaal koobka kaga hantay xidigaha dowladda hoose ee Muqdisho City Club.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Loolanka Kooxaha Horseed Iyo Dekedda Ee Horyaalka

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/2282602195156560/

 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle