U bood dhigaalka

Dekedda Iyo Muqdisho City Club Oo Wada Ciyaaridoona Kulamadoodii U Danbeeyay Wareega Kowaad Ee Horyaalka Soomaaliya.

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda horyaalka Somalia xafidanaysa labadii kol ciyaareed ee lasoo dhaafay ee Dekedda ayaa kulan aad u adag la leh xidigaha Muqdisho City Club oo iyaga qudhooda ka mid ah kooxaha loogu cabsi qabo in olalahan aya ku guulaystaan horyaalka Somalia Premier League 2018-2019.

Dekedda Kulankii u danbeeyay horyaalka waxa ay barbaro 1-1 la gashay kooxda Heegan,Dekedda waxa ay fadhisaa kaalinta 2aad ee kala horeynta horyaalka waxayna lee dahay 17-dhibcood.

Xidigaha Muqdisho City Club iyagana ciyaartii u danbeesay horyaalka waxa ay natiijo 5-2 ka gaareyn dhigooda Jazeera Sports Club,kooxda Muqdisho City waxa ay ku jirtaa kaalinta 4aad ee horyaalka,iyagoo leh 14-dhibcood

Xaqiiqooyinka Ciyaarta Ka Hor

Macalinka reer Uganda ee hogaamiyo kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club Balangu Xuseen ayaa raadinaya guushii ugu horeesay horyaalka Somalia Premier League uu ka gaaro kooxda Dekedda tan iyo markii yimid Soomaliya 13-May 2015,inkastoo kooxdiisa uu kula guulaystay hal heer oo horyaalka Soomaaliya.

 

Kooxda Dekedda oo dhibada loo taagay sanadii 1973-dii waxa ay hanatay afar jeer oo horyaalka Soomaaliya intii u dhaxaysay sanadihii 1984,2000,2017,2018 iminka waxa ay raadinayaan markii saddexaad oo xariir in ay ku guulaystaan sida uu marar badan sheegay tababare Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali) oo kooxda hogaamiyo.

 

Muqdisho City Club ayaa horyaalka Somalia Premier League ku guulaystay tiro 5-jeer ah waxayna ka ahaayeen sanadihii 2000, 2006, 2008, 2014 iyo 2016,M.C.C waxaa la aas aasay 1993 waxayna iminka ka mid tahay naadiyada ugu guulaha waaweyn gudaha dalka.

08-November 2018-Muqdisho City Club  ayaa 100,000,000 Milyan oo Shilling Soomali kusoo qaatay goolhayihii hore ee kooxda Dekedda Saciid Aweys Cali,goolhaye Saciid ayaa kooxdiisa hore Dekedda kula soo guulaystay horyaalka Somalia Premier League fasal ciyaareedkii 2017-2018.

Xasan Maxamed Aadan (Xasan Santos) ayaa ka hortagaya kooxdiisii hore Dekedda,isagoo iminka saddex sano ku sugan naadiga dowladda hoose ee Muqdisho wuxuuna laacibka sameeyay bandhiga aad u saraysa,taas oo keentay in loogu yeero waajibaadka xulka qaranka Soomaaliya markii ugu horeesay.

8-dii Kulan Ugu Horeesay Iyo Natiijooyinka Kooxda Dekedda

07/02/2019      Dekedda SC   1:1 Gaadiidka FC

14/02/2019      Jeenyo FC      2:8 Dekedda SC

21/02/2019      Dekedda SC   1:0 Madbacadda FC

28/02/2019      Midnimo         0:2 Dekedda SC

07/03/2019       Elman          0-1 Dekedda

14/03/2019      Horseed SC    1:0 Dekedda SC

21/03/2019      Dekedda SC   2:1 Jazeera SC

28/03/2019      Heegan SC     1:1Dekedda SC

Kooxda Muqdisho City Club Iyo 8-dii Kulan Wareega 1aad Horyaalka

08/02/2019      Jeenyo FC       1:0       Mogadishu City Club

18/02/2019      Mogadishu City Club 1:1       Midnimo

26/02/2019      Mogadishu City Club 1:2       Horseed S.C

06/03/2019      Mogadishu City Club 1:0       Heegan S.C

13/03/2019      Mogadishu City Club 2:1       Gaadiidka

19/03/2019      Madbacada Qaranka 2:1 Mogadishu City Club

25/03/2019      Elman FC        1:1       Mogadishu City Club

29/03/2019      Jazeera SC     2:5       Mogadishu City Club

Is Aragii U Danbeeyay Labada Dhinac

19/02/2018 Dekedda   1:0 Mogadishu City Club

16/04/2018  Mogadishu City Club     0:0 Dekedda

22/02/2016   Dekedda             1:1 Mogadishu City Club

11/05/2016  Mogadishu City Club   0:0 Dekedda SC

13/05/2015 Mogadishu City Club    0:1 Dekedda SC

29/01/2015 Dekedda     0:2 Mogadishu City Club

03/01/2014   Dekedda     2:4 Mogadishu City Club

04/03/2014    Mogadishu City Club     2:1 Dekedda

15/10/2012    Mogadishu City Club  1:2 Dekedda SC

Ogeysiiska Kulanka

Tartanka:-Horyaalka Somalia Premier League 2018-2019

Kooxaha-Dekedda VS Mogadishu City Club

Tariikhda:--04-04-2019

Maalinta:-Khamiis

Cimiladda Xiliga Ciyaarta: – 32°27°

Garoonka:–Banaadir Stadium

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle