U bood dhigaalka

Deni: Dowladda Federaalka Ah iyo Dowlad Goboleedyada Waxaa Ay Kulmayaan March

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo goordhow shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in uu aqbalay soo-jeedin ka timid madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ah in gobol nabadeed oo lagu golol xaaraya midnimada iyo wadajirka Soomaaliya lagu qabto Puntland.

Madaxweyne Deni oo arrintaasi ka hadlayey waxaa uu yiri “Kulan ayey maanta wada yeesheen madaxda, Kulankaas oo gogol xaar u ahaa in la is cafiyo, waxyaabaha khilaafka shakhsiga ah lagu saaro, danta guud laga wada shaqeeyo, howlaha iyo ajendayaasha dhabka u ah dowlad dhisidda si qoto dheer loo galo, loo lafo-guro, si loo gaari horumar shacabka Soomaaliyeed ku naaloonaayaan, runtii taasi waxaa ay horsjeeday in madaxweynaha JFS uu uu soo-jeediyo in shir la isugu yimaado bartamaha bisha 3aad, uuna ka codsaday dowladda Puntland inay gogoshaad marti-geliso”.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu baaqay in Puntland diyaar u tahay inay kaalin ka qaadayo wadajirka, lagana shaqeeyo nabadgalyada, midnimada iyo ciribtirka nabadiidka.

2. 6-dii bil ee ugu dambeysay waxaa istaagay xiriirkii dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada kadib shir ka dhacay Kismaayo September 8, 2018, kolkaas oo golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ay xiriirka u jareen dowladda federaalka ah.

Goobjoog News