U bood dhigaalka

Deni iyo Axmed Madoobe oo Kulamo La Qaatay Ra’isul Wasaaraha iyo Beesha Caalamka

Sheeko:Dalka

Madaxweyneyaasha Puntland Saciid Deni iyo Jubbaland Axmed Madoobe ayaa saacidihii tagay waxay la kulmeen ra’isul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Rooble.

Kulanka ayaa xoogga lagu saaray ajendaha kulanka madasha wadatashiga, doorashada, arrimiha is-qabsiga Farmaajo iyo Rooble iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya.

Waxaa la fiyaa in Muqdisho uu ka furmo shirka madasha wadatashiga qaran iyada oo lagu saxayo hanaanka iyo hab-raacyada doorashada.

Dhanka kale,  Madaxweyneyaasha Puntland Saciid Deni iyo Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Jimcihii kulamo la qaatay ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya  James Swan, wakiilka iyo labada madaxweyne ayaa ka hadlay arrimaha shirka, xaaladda dalka iyo sida ay UN-ka u taageerayaan dhameystirka doorashada iyo hannaanka uu hoggaaminayo Maxamed Rooble.

Goobjoog News