U bood dhigaalka

Deni oo Magacaabay Guddiga Shirka Wadatashiga Puntland

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magacaabay guddiga diyaarinta shirweynaha wadatashiga dowlad gobaleedka Puntland iyo xubnaha ku matala labada gole ee dowladda federaalka siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeedada deegaannada Punland oo dhowaan uu ku baaqay madaxweynaha in uu dhacayo 15-ka bisha soo aadan.

War qaraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay madxweynaha isagoo ka duulaya warmurtiyeedkii ka soo baxay shirkii golaha xukuumadda dowlad gobaleedka Puntland ee ku qabsoomay magaalada Boosaaso, Bishii February 07, 2020, Shirkaas oo nuxurkiisa ay ka mid ahayd in la qabto shir weyne wadatashi ah 15-ka Bisha March 2020.

Shirkaas oo ay isugu imaanayaan Goleyaasha Dowladda gobaleedka Puntland iyo wakiillada ku matala dowladda federaalka, dhaqanka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka si looga tashado mustaqbalka Dowladda Puntland iyo doorkeeda ku aadan midnimada iyo hirgelinta hanaanka Federaaleynta Dalka.

Sidaas darteed, Madaxweynaha Dowladda gobaleedka Puntland wuxuu u magacaabay Guddiga Qabanqaabada Shirka wada-tashiga Dowladda gobaleedka Puntland xubnaha hoos ku xusan oo kala ah :

1. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda _ Gudoomiye.

2. Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada _ Gudoomiye ku-xigeen.

3. Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha _Xubin.

4. Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha _ Xubin.

5. Laylo Cabdi Cartan, Lataliyaha Madaxwaynaha _ Xubin.

6. Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xildhibaan _ Xubin.

7. Mahdi Siciid Xasan, Xildhibaan _ Xubin.

8. Cabdiraxmaan Maxamed Bangax, Bulshada rayidka _ Xubin.

9. Maxamuud Ismaaciil Ciyoon, Bulshada rayidka _ Xubin.

10. Axmed Cabaas Axmed, Bulshada rayidka _ Xubin.

11. Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (Shuuqe), Bulshada rayidka _ Xubin.

Goobjoog News