U bood dhigaalka

Deni Oo Xilalkii Ka Qaaday Saraakiisha Ciidamada Badda Puntland, Kuwa Kalane Magacaabay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid cabdulaahi Deni ayaa waxa uu xilalkii ka qaaay saraakiisha ugu sareysa ee ciidamada badda Puntland sida Agaasimaha Guud, Agaasime ku-xigeenka iyo taliyayaashooda.

Digareetada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntaland ayaa u qorneyd sida tan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.16 February 17, 2020, kuna saabsan Xil-kaqaadis iyo magacaabid Agaasimaha Guud, Agaasime ku-xigeenka iyo Saraakiisha Sare ee Ciidanka Badda Puntland (PMPF).

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dibu habaynta Ciidanka Badda ee Dowladda Puntland (PMPF).

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyey Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenada Ciidanka PMPF, waxaana loo bedelay Taliska Guud ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

1.1. Admiral Cabdirsaaq Diiriye Faarax

1.2. Admiral Maxamuud Siciid Ciise

1.3. Admiral Cabdullaahi Axmed Yuusuf

  1. Waxaa Cabdirabi Cabdisamed Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka PMPF
  2. Waxaa Axmed Yuusuf Axmed loo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Ciidanka PMPF
  3. Waxaa G/sare Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac loo magacaabay Taliyaha howl galinta Ciidanka PMPF
  4. Waxaa G/dhexe Xabiib Faarax Xassan loo magacaabay Taliyaha Ciidanka lugta PMPF.
  5. Waxaa G/dhexe Baarri Salaad Axmed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka kumaandoosta PMPF
  6. Waxaa G/dhexe Maxamed Cabdi Diiriye loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Qaybta Badda (ABS) ee Ciidanka PMPF

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Madaxweyne Deni ayaa maalmihii dambe waday isbadalo dhanka ciidanka ah, kaas oo lagu xoojinayo howlgalada ciidamada dhulka iyo kuwa badda ee maamulkaasi.

Goobjoog News