U bood dhigaalka

Denmark Iyo Soomaaliya Oo Ku Heshiisyay In Qaxootiga La Soo Celin Karo

Sheeko:Dalka

Heshiiska waxaa uu dhigayey in sanadkiiba 12 qaxooti ah dib loogu celiyo Soomaaliya, heshiiskan oo aan faah-faahin laga heyn ayaa arbacadii shalay aheyd waxaa soo baxday in dib-u-celintii ay bilaabatay, sida uu sheegay TV2.

Haweney ku nool xaafadda Vollsmose ee Odense ayaa u sheegtay TV2 in loogu hanjabay in wiilkeeda laga tarxiili-doono Denmark.

Saynab Iman Shikhow, waxaa ay hooyo u aheyd nin laga soo tarxiilay dalkaas, iyada oo lagu eedeeyay in lagu helay tuugnimmo iyo iibinta daroogada.

Haweeneyda waxaa ay sheegtay in laga soo wacay Soomaaliya oo lagu handaday in wiilkeeda qoorta laga goyn-doono haddii aaney bixin $10,000.

“Raggan hadda ayey in handadayaan…Haddii dib loo celiyo waa u dhammaatay” ayey u sheegtay TV2.

Markii Soomaaliya loosoo tarxiilay bishii Janaayo ayey dowladda Soomaaliya diiday in dalka gudaha u galo, waayo kuma qanacsaneen inuu u dhashay, kadib waxaa dib loogu celiyay Denmark.

Shikhow oo wiilkeeda hadda ku jiro xabsi dalkaasi ah isla markaana uu sugayo in mar 2aad dib loogu soo celiyo ayaa ku doodeysa in wiilkeeda loo dhameyn-doono haddii la geeyo Soomaaliya.

Wasaaradda Socdaalka dalka Denmark waxaa ay sheegtay inuu jiro heshiis dhex-maray dalkeeda iyo Soomaaliya oo arrinkaasi ku saabsan.

Heshiiskan oo ahaa mid afka ah waxaa uu dhigayaa in dalka Denmark ay Soomaaliya dib ugu soo celin karto muwaadinkii aan helin Dokumenti iyo aqbalaad rasmi ah.

Goobjoog News