U bood dhigaalka

Denmark: Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Qabtay Walxaha Qarxa

Sheeko:Dalka

Booliiska dalka Denmar ayaa sheegay iney xabsiga dhigeen muwaadin Soomaaliyeed oo la tilmaamay in hoygiisa laga helay walxaha qarxa.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Denmark Rene Raffo, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ninkan Soomaaliga ah  oo aanu magaciisa sheegin markii ay soo qabanayeen uu isku dayey inuu baxsado, balse ay u adeegsadeen suntan dadka ka ilmeysiisa.

Waxa uu tilmaamay afhayeenka in hadda lagu wado baaritaan, islamarkaana xabsi lagu sii heyn doono muddo 4 Todobaad ah.

Howlgalka ay ciidamada Denmark ku qabteen muwaadinkaan Soomaaliyeed ayaa la sheegay in lagu baadigoobayey rag xiriir la leh ururka Daacish oo sirdoonka dalkaasi ka war heleen.

Muddo 4 Todobaad ah ayaa la filayaa in ay kusoo dhammaato baaritaanka ay ciidanka Denmark ku hayaan muwaadinkaan Soomaaliyeed, kadibna waxaa la saari doonaa maxkamad si loo dhageysto dacwadda loo haysto.

Goobjoog News