U bood dhigaalka

DF: Hadalka Imaaraadka Waa Mid Waxyeelaya Qarannimada iyo Jiritaanka dalka

Sheeko:Amniga

Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo goordhow shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in warqad Imaaraadka ka soo baxday ay tahay in waxyeeleysa xiriirka caalamiga ah.

‘Maanta waxaa dowladda Imaaraadka kasoo baxday warqad, oo meelna ka waafaqsaneyn  xiriirka diblomaasiyadda, qaanuunka caalamiga ah, walaalnimada labada waddan iyo dhaqanka carbeed eek u dhisan is ixtiraam’

Warqadda Imaaraadka waxaa ka muuqata ineysan aqoonsaneyn dowladnimada Soomaaliya, oo ay dowladda inkiriyaan, taa oo abuureysa hadalkii halkan laga lahaa ee dowlad ma jirto iyo warqadda dowladda Imaaraadka ka timid ay isla socdaan, warqaddan waxaa ka muuqda in Imaaraadka ay ka rabsto Soomaaliya iney noqoto sida Libya iyo Yemen oo ay ka abuurto fowdo’. Ayuu intaas raaciyey.

Cusmaan ayaa sheegay in arrintan ay tahay dibandaabyo‘Warqaddan waxaa ay dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkaba u cadeysay tuhunkii ay qabeen in saraakiisha arrimaha dibadda ay qeyb ka ahaayeen diban daabyadii dalka lagu hayey sanadihii lasoo dhaafay’

Dhanka kale, Cusmaan Dubbe waxaa uu sheegay in Heshiiskii doorashada kadib ay jirtay iney madax saxiixday aadeen Imaaraadka oo dhibaato lasoo noqdeen‘Warqaddan waxay shacabka iyo dowladaba dib u xusuusiyey in maalmihii la saxiixay heshiiskii September 17, 2020, oo qaar ka mid ah madaxdii heshiiska saxiixday isla maalmihiiba ay u safrene Imaaraadka, kolkii ay kasoo laabteenna ay la soo noqdeen iyaga oo shuruudo cusub wata, oo mar walba keenaya caqabad’.

Ugu dambeyntii, waxaa uu sheegay iney u digayaan ‘Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxay Fajacsantahay colaadda intaa la e gee dowladda Imaaraadka u qabto dowladda Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed waxaa u cadeyneynaa in hadalka Imaaraadka soo saaray uu yahay mid qarannimada iyo Jiritaanka dalka wax yeelaya,  waxaa muhiim ah wax lala damacsan yahay waa dagaal sokeeye inuu dhaco si loo xalaaleyso dhiigooda iyo baddooda’.

Goobjoog News