U bood dhigaalka

DF Iyo Mareykanka Oo Howlgal Ka Fuliyay Jubbada Dhexe

Sheeko:Amniga

Warasaxaafadeed ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Mareykaka ay howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al shabaab ka fuliyeen qeybo ka mid ah Jubbada dhexe gelinkii dambe ee shalay.

Howlgalkan oo ahaa weerar dhica cirka ah islamarkana si gaara uga dhacay deegaanka Wadajir oo u dhaw degmada Jilib ayaa Mareykanka iyo dowladda federaalka waxa ay si wadajira u sheegeen in seddex dagaalame oo ka tirsan Al shabaab ay weerarkaasi ku dileen.

Dhanka kale qoraalada ka soo kala baxay dowladda federaalka iyo Mareykanka waxaa lagu sheegay in wax khasaare ah aan la garsiin dadka rayidka ah ee ka agdhawaa goobaha la duqeeyay wallow eedeymo loo jeediyay Mareykanka.

Mareykanka ayaa xoojiyay duqeymaha uu ka geysto Soomaaliya gaar ahaa gobolada Koonfureed oo ay ku suganyihiin dagaalamayaasha Al shabaab,

Goobjoog News