U bood dhigaalka

DF Iyo Mareykanka Oo Ka Hadlay Duqeyn Ka Dhacday Gobalka Shabeelaha Hoose

Sheeko:Amniga

Qoraalo ka soo kala baxay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa waxaa looga hadlay duqeyn sacadihii la soo dhaaay laga fuliyay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha hoose.

Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika islamarkaana loo yaqaan AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacaday degmada Janaale ay la bartilmaameedsadeen dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna waxa ay dhinaceeda sheegtay in iyada oo kaashanaysa Mareykanka ay duqeyn ka dhacady Shabeelaha hoose ku dileen xubno ka tirsan Al shabaab.

Labada dhinac waxa ay sheegeen in duqeynta ka dhacday degmaa Janaale ay ku dileen dagaalamayaal gaaraya ilaa iyo 4 dagaalame oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al shabaab.

Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka waxa ay iska fogeeyeen in duqeyntaasi ay waxyeelo ka soo gaartay dadka rayidka ah.

Bishii dhamaatay ee Feberaayo iyo tan haatan lagu guda jiro ee Maarso waxaa Mareykanku uu kordhiyay duqeymaha uu ka fulinayo gobalka Shabeelaha hoose islamarkaana uu ku bartilmaameedsanayo Al shabaab.

Goobjoog News