U bood dhigaalka

DF Iyo Mareykanka Oo Sheegay In Duqeyn Ay Ku Dileen Sarkaal Ka Tirsanaa Al Shabaab

Sheeko:Amniga

War ka soo baxay dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyn dhinaca cirka ah ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa dagaalyahanada Al shabaab.

Duqeynta oo ka dhacday degmada Jilib ee gobalka Jubbada dhexe ayaa dowladda federaalka iyo Mareykanka waxa ay sheegeen in weerarkaasi ay ku dileen sarkaal sare, inkastoo aysan xusin sarkaalka la dilay magaciisa iyo waxa uu u qaabilsanaa Al shabaab.

Sidoo kale warkan ka soo baxay labada dhinac ayaa waxaa lagu sheegay in aan wax khasaare ah la gaarsiin dadka shacabka ah, wallo duqeyntii shalay la tilmaamay in lagu dilay qof rayid ahaa.

Mareykanka ayaa sanadkan duqeymo dhowr ah ka fuliyay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada dhexe oo ay si buuxda gacanta ugu hayaan dagaalamayaasha Al shabaab.

Goobjoog News