U bood dhigaalka

DF iyo QM oo Hadal Kasoo Saaray Bedqabka Shaqaalaha Gargaarka

Sheeko:Amniga

Maalinta Caalamiga ah ee Samafalka awgeed, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay waxay ku baaqayaan in laga qayb qaato bedqabka shaqaalaha gargaarka ee ku howlan badbaadinta dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan. Shaqaalaha gargaarku waa geesiyaasha dhabta ah.

“Sannadkan, Maalintan Bini’aadamnimada Adduunka waxay ku soo aadday waqti adag oo ay jirto halis saddex-geesood ah (Koroona Fayras, fatahaado iyo ayaxa) ay uga sii dareen xaaladda bini’aadamnimo ee daba dheeraatay ee Soomaaliya,” ayuu yiri Iskuduwaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Soomaaliya, Mr. Adam Abdelmoula. “Bahda gargaarku waxay qiyaasayaan in 5.2 milyan oo qof ay u baahanyihiin kaalmo bini’aadamnimo sannadkan 2020, weliba xaalku wuxuu hadda u muuqdaa inuu ka sii daraayo. Ilaa 3.5 milyan oo Soomaali ah ayaa la qiyaasayaa ineysan heli doonin cunto ay ku noolaadaan bisha Sebteembar. Si looga gudbo faqriga ay keeneen mashaqooyinka bini’aadamnimo waxaa lagama maarmaan ah in la helo xal waara,” ayuu ku daray Mr. Abdelmoula.

Jawiga ay ku shaqeeysaan shaqaalaha gargaargka waa mid adag sababo la xiriira amni darrada jirta iyo kaabayaasha waddanka oo liita, tan ayaa caqabad ku noqotay in gargaarku si sahlan u gaaro dadka u baahan. Caqabadaha ku horgudban gargaarka aad ayay sara ugu kaceen sannadkan 2020, ilaa 114 dhacdo oo ka dhan ah howlaha gargaarka bini’aadamnimo ayaa la diiwaan geliyay intii u dhaxeysay bilowga sannadka iyo dhammaadkii bisha Luulyo, marka la barbardhigo 151 dhacdo oo la diiwaan geliyay sannadkii 2019. Shaqaale gargaar oo gaaraya 11 ayaa la dilay, 11 way dhaawacmeen, 23na waa la afduubtay, shaqaalaha la dilay waxaa ka mid ah toddobo hal meel lugu wada dilay.

“Waxaan rabaa inaan bogaadiyo dadaalka aan kala go’a lahayn ee samafalayaasha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya arrimaha gargaarka,” ayuu yiri Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. “Waxaan si gaar ah u magac dhabayaa shaqaalaha gargaarka ee Soomaaliyeed oo lafdhabar u ah howlaha gargaarka.”

Laga soo bilaabo bishii Maarso, Soomaaliya waxay diiwaan gelisay 3,200 kiis oo Korona Fayras, halka 93 qofna ay xanuunka u dhinteen. Fatahaado ayaa saameeyay dad gaaraya 200,000 oo qof oo ku kala nool dowlad goboleedyada Hirshabelle, Koofur Galbeed, Jubaland iyo Gobolka Banaadir laga soo bilaabo dabayaaqadii bishii Juun ee sannadkan; waxaana ku barakacay 124,000 oo qof halka ay fatahaaduhu burburiyeen dhul beereed ballaaran. Intaas waxaa dheer, ayax ku habsaday kumanaan hektar oo isugu jira dhul beereed iyo dhul daaqsineed. Dabeylo roobab wata ayaa sidoo kale ku dhuftay xeebaha Jubada Hoose iyo Shabeellaha Hoose ayagoo saameeyay dhaqdhaqaaqyadii kalluumeysiga; kalluumeysato Soomaaliyeed ayaan la heyn nolol iyo geeri.

Khatarta saddex-xagalka ah waxay uga sii dartay xaaladihii nugeylka ahaa ee dadka Soomaaliyeed ku jireen waxayna wax u dhibeen guulihii dhaqan-dhaqaale ee laga gaaray dhanka beeraha iyo ganacsiga, si gaar ah waxay khatartani u saameysay hab nololeedka dadka saboolka ah; waxayna culeys dheeri ah saartay qaybaha caafimaadka.

19kii Juun, xiriiriyaa Gargaarka Degdegga ah Mr. Mark Lowcock ayaa ogolaaday US$15 milyan oo wax looga qabanayo saameynta Koroona Fayras, ayaxa iyo fatahaadaha. Intaas waxaa dheer 279 hay’ado samafal oo howlo gargaar ka fulinaaya Soomaaliya, ayaa sara u qaaday howlaha gurmadka si loola tacaalo baahiyaha soo kordhay.

Sannadkan, Maalinta Bini’aadamnimad Adduunka, waa sannad guuradii 17aad ee ka soo wareegtay weerarkii Canal Hotel ee Baqdaad, oo ay ku dhinteen 22 qof oo uu ku jiray ergagii Xog-hayaha Guud ee QM u qaabilsanaa dalka Ciraaq. Sannadkii 2009, Golaha loo dhanyahay ee Jamciyadda Quruumaha ka Dhexeysa wuxuu meel mariyay qaraar 19ka Ogosto loogu aqoonsanayo Maalinta Samafalka ee Caalamiga ah. Sannad walba maalintan oo kale, waxaan xasuusnannaa malaayiinta rayidka iyo samafalayaasha ah ee ku sugan goobaha colaadaha

Goobjoog News