U bood dhigaalka

DF oo beenisay war laga faafiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Sheeko:Amniga

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee dowladda federaalka ah Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay warqad baraha bulshada qabsatay oo lagu wargelinayo howlwadeennada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, in ay taxadar muujiyaan oo laga cabsi in alshabaab ay weeraro ka fuliyaan garoonka diyaaradaha.

Maamulka Garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in ay been abuurtahay warqaddaas, sidoo kalena aysan jirin wax cabsi ah oo ay wajahayaan howlwadeennada garoonka.

Warka ka soo baxay  maamulka garoonka ayaa lagu sheegay in amniga garoonka ay gacanta ku hayaan hay’adaha amniga qaranka.

Hoos ka akhriso warka ka soo baxay maamulka garoonka diyaaradaha.

Hoos ka akhriso warkii been abuurka lagu tilmaamay